Baladweeyne (AGGM):Dhowaan ayay ahayd marki ay Maamulka Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Galgaduud iyo maamulka Ahlu Sunna Waljaamaca ay dalbadeen in ciidamo ka socda AMISOM la geeyo deegaanada Gobalka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa arintaasi ka jawaabey Taliska ciidamada AMISOM.
Taliyaha ciidamada AMISOM ee Bartmaha Soomaaliya Cusman Dubad oo la hadley Warbaahinta Magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu sheegay in si deg deg ah ay uga jawaabayaan Hadal kasoo yeeray Ahlu Sunna oo ahaa in ciidamo ka socda AMISOM la geeyo Gobalka Galgaduud.
Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay guul u tahay in howlgalkooda ay ku balaariyaan guud ahaanba dalka Soomaaliya si buu yiri loo wiiqo awooda Kooxda Shabaab ee Soomaaliya oo meelo ka mid ah Gobalka Heysta. Waxaa uu tilmaamay Cusmaan Dubad in dhowaan uu kulamo kula qaatay magaalada Baladweyne Masuuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna Iyo Dowladda Soomaaliya ay isku af garteen in ciidamo AMISOM ah la geeyo Gobalkaasi,isagoona balanqaadey in dhowaan codsigaasi ay aq balayaan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com