Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax uu ka dhacay suuq waynaha Bakaaraha qeeybtiisa Dahablaha, waxaana qaraxan lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamadda dawladda Soomaaliya.
Qaraxa ayaa ahaa nooca meelaha fog laga hago sida ay dadka goob joogayaasha ah sheegeen inkastoo gaariga lala beegsaday qaraxa aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in ciidamada weeraraka lala beegsaday qaarkod ay dhimasho kasoo gaartay halka qaar kalena ku dhaawacmeen.
Isku soo wada duuboo dadka Rayidka ah ayaa la sheegin in wax khasaaro ah kasoo gaareen Qaaraxan.
Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com