Muqdisho (AGGM): Taliyaha hogaanka socdaalka dowladda federaalka Soomaaliya Jen. C/llaahi Gaafoow Max’uud ayaa digniin adag ka soo saaray isticmaalka baasaboorkii hore ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in cid kasta oo lagu hello baasaboorkaas loo aqoonsan doono in ay ka tirsan tahay Al-shabaab.
Taliyaha ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya si cad u mamnuucday baasaboorkii hroe ee cagaarnaa, islamarkaana baasaboorka kaliya ee la isticmaali karo uu yahay kan cusub ee E-passprot.
Hadalka ayuu ka sheegay taliyaha goob lagu gubayay ama dab lagu qabadsiiyay tiro ka mid ah baasaboorkii hore ee cagaarnaa, waxaana uu sheegay in cid baasaboorkaasn ku bixi karta aysan jirin.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay in dhawaan ay soo saari doonaan sharciyo cusub oo ay tahay inuu soo maro qofka doonaya inuu baasaboorka Soomaaliga qaato, kuwaasoo uu ku sheegay kuwo lagu xaqiijinayo in qofka doonaya in baasaboorka uu qaato uu yahay Soomaali.
Ugu dambeyn, taliyuhu wuxuu sheegay in dalalka caalamka ay heshiis kula galeen inay aqbalaan baasaboorka cusub ee Soomaaliga, kii horena aan laga aqbalin qofkii sita, taasoo uu ku sheegay inay kaga hortagayaan in sharciga Soomaaliga si khaldan loo adeegsado.
Halkan Guji Kana Dhagayso Wareeysiga gen. Gaafoow
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com