Beri Baa Waxa Jiray! W/Q:Axmed-khaliif Maxamed Jaamac

0

maqaalMaadaama taariikhda soomaalidu aanay lahaan jirin dhiggaal qoraaleed laga dab qaato lagana dheegto dhacdooyinkii bulshadu soo dhaaftay si dib loogau dheehdo laguna dhaabadeeyo xaqiiqooyinka iyo jiritaanka dhabta ah ee bulshada iyo weliba si ay u suurta gasho saadaalinta mustaqbalka soo socda balse ay iskaga badneyd hab oraaheed jiilba jiilka ka danbeeya u gudbiyo, iyadda oo jiil kastaaba sidii uu doono u dhigo wixii uu doonana ku darsado wixii uu doonana ka dambabaso,iyadda oo aan dhamays tirnayna loo sii yeedhin jiray jiilka kasii danbeeya.

Lama sheegin meesha ay ka dhacday sheekadu, lama sheegin waqtiga ay dhacday sheekadu sidoo kale lama sheegin cidda ay sida dhabta ah ugu dhacday iyo weliba caynu shaahidka midna balse labadan sheeko ee xagga hoose ku xardhani waxay ka mid yihiin sheekooyin mala-awaal ku dhisan oo malaayiin soomaali ah lagu duleeyay laguna takooray,had iyo jeerna sabab laga dhigto haddiiba lays waydiiyo maxaa lagu takooray bulshadan?waxayna ka mid yihiin uun kumanaan sheeko oo ku tiri-kuteen ah mar walbana la sii wariyo iyada oo laga bilaabaayo waxa jiri-jiray iyo waxaa la yidhi ama la sheegay, sheekooyinkaas oo maskaxda caadiga ah iyo caqliga fayaw labadaba ka hor imanaaya isla markaana aan cilmi iyo caqiido midna ku dhisnayn.

Waa iyagga iyo allahoode waxay na leeyihiin:

Waxaa jiri jirtay beel aad u tira-badnayd awood balaadhana lahaan jirtay, awoodaasna ku maamuli jirtay kuna maquunin jirtay dhamaan beelihii kale ee ka ag dhawaa amase la deeggaanka ahaa,lama garanayo waxaa laysku galay balse waxaa la sheegayaa in dhamaan beelihii kale ee deeggaanku intay taxaaluf samaysteen oo ay midoobeen dagaal ku qaadeen kuna jebiyeen beeshii maamulka sare haysatay ee awooda badnayd.ka dib markii dagaalka lagu jebiyayna intii laga dilay mooyee intii usoo hadhay xeryo loo ooday laguna xareeyay sida xoolaha,iyagga oo aan baad iyo biyo toona loo ogolayn halkaasna ay badankoodii silic, saxariir iyo gaajo ugu le,edeen .

maalinta qof ka midaa beeshii lagu jebiyay dagaalka ee sida xoolaha xaraysnayd uu xerada ku dhex dhintaba beelihii isbahaystay ee guushu raacday waxa ay ku dhawaaqi jireen maantana MID GO’ taas oo ay uga dan lahaayeen maantana mid baa xijaabtay ,xayndaabkii nolosha iyo xeradiina ka baxay.

Hadhaaagii kasoo baxay xeradii ciqaabta ee ka badbaaday xasuuqii ba,anaa maadaama ayna haysan meel ay ku noqdaan oo xoolahoodii la boobay hantidoodii kalena la bililiqaystay waxa ay iska noqdeen dagaag dabato ah waxayna dan bideen inay nolol maalmeedkooda kasoo saaraan shaqooyin ay u arkayeen inay banaan yihiin isla markaasna aan cidi kula baratamayn lagana baajinayn,shaqooyinkaas waxaa ka mid ahaa: kalluumaysiga,ugaadhsiga,bir-samaynta,kabbo-tolista,bir-tumista,timo-xiirista,dhul-xaaqista,dhar samaynta,xoolo qalida,IWM.

Dagaal ku qaadistii hore iyo ciqaabtii danbe waxaa loogu sii daray dullayn iyo daciifin sharafeed iyagga oo lagu sameeyay bahdil iyo ab-dhalasho doorin ah laguna tolay halhayskii ahaa MID-GO’ magacaas oo mudda ka dib isu badalay hayb beeleed aan aas-aas ,isir iyo abtirsi taxane ah toona lahayn.

Tu kaloo ka daran baa jirtee ,taana bal aan sheego

Odey ayaa wiilal badan lahaan jiray ,wiilashiisii ayaa socdaalay oo safar dheer galay,seben lagu jiray jiilaal, abaar aad u daranina jirtay.saranseerkii safarka dartiis ayaa waxa asiibay wiilashii gaajo daran oo ay ku sigteen bakhti cunis iyo bakayle qalad,dabadeed iyadda oo ay naftu kusii daba yar tahay ayay heleen neef bakhti ah ,waxayna dantu ku kalliftay in ay neefka bakhtiga ah hilibkiisa wax ka cunaan ,markii ay ka haaggeen naftiina kusoo ceshadeen ayaa wiilashii ka dul kaceen bakhtigii, inkastoo la sheegayo in wiilashu hilibka wadda cuneen haddana waxaa la xusayaa in wiil ka mid ahaa si gaar ah u cunay bakhtiga markii danbena cad hilib ah oo sahay ah kasoo qaatay, sidaasna kusii wateen socdaalkoodii haddiiba meel ay dad joogaan soo gaadheena wiilashii ayaa iska matajiyay (Hungaaco) si ay dib ugu soo celiyaan hilibkii bakhtiga ahaa ee ay cuneen,balse wiilkii sahayda sitay ayaa diiday in uu iska matajiyo isaggu,markii gurigoodii ay soo gaadheena waxay sheekadii dhacday u sharraxeen aabahood ,xaajigii dhalay wiilashu waa u qaadan waayay in wiilashiisii bakhti cuneen ,sidoo kale waa u qaadan waayay in wiilkiisii diiday inuu iska soo matajiyo hilibkii bakhtiga ahaa. Arintii xaajigii waa ay ku adkaatay gole guurti ah oo reerku lahaana waa horgeeyay ,si looga taliyo arintan ugubka ah murugadeedana leh,haddii xeer beegtidii reerku arintii falaanqaysay hore iyo dibna isula eegtay waxay go,aan ku gaadheen in wiilkaas diiday in uu iska matajiyo isagga iyo ciddii uu dhalaba la takooro ,isla markaana aan lala samayn wax xidhiidh iyo xidid ah midna ,xigaalnimadana laga saaro maadaama aysan ahayn wax gayaan laga dhigto ,bulshada inteeda kalena la sinnayn.

Go,aankaas jawr-falka ah waxa uu horseeday in wiilkii iyo faraciisiiba loo aqoonsado waxay ku sheegeen MID-GO’ waxaanay ka mid noqdeen dadka la takooro.

Sheekooyinkaas kor ku xusan iyo qaar kaloo la mid ah oo ka hor imanaaya binu-aadanimada dhabta ah iyo jiritaanka dadka iyo weliba wadda noolaanshaha,sinaanta ,cadaalada iyo walaaltinimada ayaa ka mid ah meelaha dhaqankeenu ka duway wanaagoodii isla markaana bustaha foosha xun ku deday,kaaga sii darane haddii laysku dayo in xaqiiqda dhabta ah loo kuur galo la isna waydiiyo sababaha sidatan ay u dhacdayna jawaabta keli ah ee loo helayaa ay noqonayso “waxani waa dhaqan soo jireen ah” ma dhaqankeena ayaa xun mise tolow dadka ayaa dhaqanka xumaan ka sheeegay?

Takoorku waa fogeyn, karantiimayn, dullayn, yasid iyo xaqirid dad ama qof lagu xad gudbo dadnimadiisii iyo karaamadiisa, iyada oo lagu takoorayo caafimaadkiisa ama isirkiisa (qoladiisa). Takoorku waa dullayn iyo karaamo-dil qofka cirdigiisii iyo sharaftiisii hoos loo dhigo, lagana duudsiyo xuquuqdii uu bulshada ku dhex lahaa, lagana fogeynayo bulshada inteeda kale xag dhaqan,xag dhaqaale,xag feker, xag siyaasadeed iyo xag kartiyeedba.

Takoorku waa laba mid: caafimaad-takoor iyo isir-takoor. Caafimaad-takoorku wuxuu dhacaa marka qof uu ku dhaco cudur dilaa ah oo la kala qaado, dabadeedna qofka la karantiimeeyo, lagana fogaado,xidhiidhkana loo jaro,aan wax la la cunin, aan meel lala seexan, makhaayad lala fadhiisan, weel wax lagula cunin, dharka aan lala isticmaalin IWM,

Isir-takoorkuse waa marka bulsho isirkeeda la takooro, laga faquuqo; aan laga guursan, loona diido inay bulshada inteeda kale ka guursadaan, loona geysto nasab cay, yasid, liidid, maagid, hanjabaad, maskax-dil iyo jidh-dil intaba. Isir-takoorka (haybsooc) waxa aad looga adeegsan jirey dhulalka carbeed, ilaa haddana waxa si darran looga isticmaalaa dhulalka soomaalida iyo dalalka tolnimada ku dhisan sida sucuudiga .

“Waxa aynu baranay in sida shimbiraha aynu hawada sare duulno,in sida kalluunka u dabaalano baddaha,laakiin waxa aynu illaa hadda baran kari la,anahay in aynu dhulka guudkiisa sida walaalaha ugu wadda noolaano” kelmadahan maskax taabadka ah waxaa madal malaayiin shakhsi isuggu yimaadeen kaga maydaday mikrafoon aad u cod dheerna kaga dhawaaqay halyeeygii reer maraykan ee Martin Luther King ,isagga oo wakhtigaas ka cabanaayay midab takoor ba,anaa oo lagu hayay muwaadiniin maraykan u dhashay balse laga masuugsanaa muuqaalkooda guud laguna midab takooraayay inay madaw yihiin oo keliyaata .

Haddii martin luther king nus qarni ka hor ka cabanaayay muwaadin midabkiisa lagu takooray,miyaanay maanta inaggu haboonayn inaan ka cabano ,ka ceebtoono kana caafimaadno takoor muwaadin soomaali ah oo muuqaal,midab,diin,iyo dhaqan intaba inagala mid ah ,miyayna ahayn in maanta aynu garano dhaqanka aynu beenta ka sheegnay.

Berri baa qolo meel ka telin jirtay ,iyo berribaa qolo qolo kale laysay oo gumaysatay iyadda oo aan meesha xasuuqa iyo gumaysigu ka dhacay iyo wakhtiga uu dhacay midna la sheegin,balse sheeko uun tahay miyay mudan tahay in malaayiin soomaali ah loo takooro kelmada “Berri” miyay mudan yihiin in loo takooro sheeko afeed aan xaqiiqdeeda marna la xusi Karin.

Tu kaloo ka daran baa jirtee ,taana bal aan sheego.

Haddii wiil baahi darteed geeri ku sigtay uu hilib bakhti ah cunay loo takooray miyayna Diinta islaamku inoo jidayn in bakhtiga la cuno haddii naf lagu badbaadinayo,miyaynase inagga jarribin oo inagga reebin inaan qof muslin ah sharaftiisa,xoolihiisa iyo dhiiggiisa meel kaga dhacno,miyaanay diintu inoo sheegayn sinaanta dadka iyo walaaltinimada dhabta ah,miyayna diintu inoo sheegayn kala-saraynta binu-aadmigu inay ku qotonto hadba sida ay abuurahooda (illaahay) ugu kala qadarin iyo cibaado badan yihiin ,ma macquul baase in soomaalida oo isku hal qawmiyad ah isku midab,diin iyo afba ah ay ku kala sareeyaan xagga qabiilka.

Maah maah ayaa odhanaysa “qofku wuxuu cadaw ku yahay wixii uu jaahil ka yahay” bulshooyinka aduunka inagula nooli haddii ay ilaashadaan muwaadiniintooda haba kala midab,diin,iyo dhaqan duwanaadeene ,haddii ay karaameeyaan farsama-yaqaankooda ,iyo falayaasha dhulkooda ,haddii ay dardar iyo dhiiranaan geliyaan dadka u dhiidhiya dadnimadooda iyo jiritaanka bulshadooda(waddaniyiinta) maxaynu innagu noqon karaynaa haddii aynu takooorno dadkii inoogu dalka jeclaa ,dadkii inoogu waddanisanaa ,dadkii caanka ku ahaa hal-abuurka suugaanta xamaasada iyo wadan jacaylka xambaarsan,suugaanta kalgacalka iyo jacaylku dareeraayo ,suugaanta xornimada iyo gumaysi diidka ,waa dadka had iyo jeer ku heelan gargaarka shacabkooda iyo hawlaha horumarinta dalka hooyo?

Waa su’aal da’weyn oo maanka daalinaysee,sidee ayuu mustaqbalkeenu u ifi karayaa haddii sheeko berri ah malaayiin innaga mid ah loo takooray,haddii farsamayaqaankii hubka(waran iyo toorey) sameeyay xirfadiisa darteed loo takooray,haddii ninkii kabaha tolay iyo kii taaloogga xiirayba la takooray, haddii ninkii dharka sameeyay iyo kii suxuunta suubiyayba la takooray.

Runtii lama macnayn karaayo waxaa muwaadiniinta intaas leeg ee ku hawlan shaqooyinka intaas leeg iyo qaar kaloo badan loo takooray ilaa maantana loogu hayo ficilada aadka u xun xun iyo aflagaadada joogtada ah ,iyo weliba bahdilka ,yasida iyo bulsho ka saarista.

Sidoo kale waxaa la yaab leh in ummada soomaaliyeed weligeed hal marna aysan ka hadlin kana yeelan shir iyo wadda-tashi wax looga qabanayo takoorida aan caqliga ,cilmiga iyo caqiidada midna ku dhisnayn ee lagu hayo kumanaan walaalahood ah oo sinji ahaan midab ahaan ,muuq ahaan iyo dhinac kaste oo laga eegaba kaga sidkan .

Haddii la doonayo in ummada soomaaliyeed silica,saxariirka iyo dhibaatada laga samata baxo haddii la doonaayo in waddajir iyo walaaltinimo dhabaa la helo haddii la doonaayo in waddaniyad iyo wax wadda lahaansho dhabaa la abuuro waxaa sixir fur ah in la xaal mariyo oo weliba quudhsiga ,yasida iyo takoorka laga xorreeyo lagana ducaysto saamaxna la waydiisto dadkaas iyagga ah oo aan haba yaraatee aan waxba galabsan,wax iin ahna aan lahayn kibirka iyo jaahilnimada loo faquuqay.haddii kale sida aan u galay ayaa inoo godob ah.
W/Q:Axmed-Khaliif Maxamed Jaamac
Khaliif_d3@hotmail.com
Cairo,Egypt
26th oct,2013

FG: Qormadan waa fikirka qoraaga ma ahan fikirka warbaahinta Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com