BaledXaawo (AGGM): Maamulka dowladda ee degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku guulaysteen in ay ka hor tagaan qarax la doonayay in shacabka lagu waxyeelleeyo.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Beled Xaawo, Caddow Nuur Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka war heleen qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay, isla markaana ay ku qarxiyeen isla goobtii lagu aasay oo ahayd suuqa xoolaha ee degmada.
Wuxuu xusay in amniga degmada uu yahay mid wanaagsan, oo ay gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka.
Shacabka ku nool degmada ayuu ka codsaday in ay ciidamada kala shaqeeyaan sugidda amniga.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com