50 Milyan oo loogu deeqay Wadamo Soomaaliya ay ku jirto

0

Mas’uuliyiinta Bankiga aduunka ayaa ururrada gargaarka siinaya 50 milyan oo doollarka Mareykanka ah, lacagtaas oo loogu talo galay in gargaar degdeg ah lagu gaarsiiyo dadka kunool Qaaradda Afrika.

Guud ahaan Geeska Afrika ayay abaartu ku dhufatay, iyadoo lix iyo labaatan iyo bar milyan qof ay gaajo hayso.

Gobolka ayaa wajahaya xaalad cunno yaraan ah tii ugu darneyd.

Macaluul ayaa ka jirta South Sudan Gargaarka cunto ee la siiyo Itoobiya ayaa ku eg bisha soo socota. Balse qaybo kale oo dunida ah ayaa waxaa ka jira baahiyo daran iyada oo gargaarkuna uu ku yar yahay Sidaa daraadeed bankiyada horumarineed oo sida caadiga ah dalalka deymiya lacago loogu talo galay dhismaha iyo mashaariic kale ayaa haatan xaaladda soo fara gelinaya si ay caawinaad ugu fidiyaan dadka gargaarka u baahan.

Bishii hore, Bankiga Horumarinta Afrika, ayaa sheegay inuu bixin doono in ka badan hal bilyan oo doollarka Mareykanka ah si uu gacan uga geysto la dagaallanka abaarta ka jira qaaradda.

Bulshada dibadda ku nool, ganacsatada gudaha iyo kooxo kale ayaa sidoo kale samaynaya waxay awoodaan.

Lacagaha dibadda laga soo diro ayaa wax weyn u qabtay dadka ay Abaaruhu saameeyeen.