Dowladda Soomaaliya ayaa Faahfaahin ka bixisay howlgallada ka socda Magaalada Muqdisho ee ay waddaan Ciidamada loogu magacdaray Xasilinta Caasimadda.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud ayaa Saxaafadda u sheegay in howlgallada ka socda Muqdisho lagu xaqiijinaayo Ammaanka , islamarkaana lagula dagaalamaayo Al-Shabaab.
Waxaa uu ku hanjabay in howlgalladaasi la sii xoojin doono tan iyo inta dagaalyahanada Al-Shabaab laga saarayo Soomaaliya.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sidoo kale xusay in Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay garab taagan yihiin ciidamada howlgallada wadda ,islamarkaana ay la Afuraan.
Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo xooggan waxa ay ka waddeen Magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO