Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay nin u dhashay dalka Yemen, kaasi oo xarun caafimaad ka furtay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Ninkan Yemeniga ah ayaa la sheegay xarunta caafimaad ee uu ka furtay magaalada Burco in uu ku daaweynayay dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka, iyadoo Somaliland ay mamnuucday goobaha ganacsi ee sida gaarka ah loo leeyahay dadkaasi in la seexiyo.
Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Togdheer Yuusuf Dira Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa sharaxaad ka bixinaya sababta ka dambeysa in Ciidamada Somaliland ay xiraan ninkan Yemen u dhashay.
Magaalada Burco ayaa dhowaan waxaa si xoogan uga dilaacay cudurka shuban biyoodka oo weli dadka qaar ay la liitaan, kuwaasi oo jiifa xarunaha caafimaadka.
HALKAAN KA DHAGEYSO