DHAGEYSO:- Puntland oo Shacabkii lagu dilay Mudug ku eedeysay Galmudug

0

Gudoomiyaha degaanka Balibusle oo gobolka Mudug ayaa Faahfaahin ka bixiyay dad Shacab ahaa oo xalay lagu dilay degaan hoos yimaada degmada Jariiban oo lagu Magacaabo Qeydaro.

Maxamed Cali Shire Gudoomiyaha degaanka Balibusle ayaa Galmudug ku eedeeyay in Maleeshiyaad kasoo jeeda ay ka dambeeyeen Weerarkaasi oo ahaa mid xooggan.

Waxaa uu sheegay in ay cadeyn u hayaan in ay ka dambeeyeen Weerarkaasi Maleeshiyaad xoolo dhaqato ah oo dhanka Galmudug ka yimid.

Dhankale Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo aan xiriir la sameyn ayaa waxa ay ka gaabsaday in ay ka hadlaan dadkii Shacabka ahaa ee xalay lagu dilay degaanka Qeydaro.

Waxaana qaarkood ay inoo xaqiijiyeen in dadkii la dilay iyo kuwii wax dilay ay ahaayeen xoolo dhaqato muddo dagaal ka dhaxeeyay.

HALKAAN KA DHAGEYSO