Ciidamada ammaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaa dad isugu jira Ajaaniib iyo Soomaali ka soo bad baaday Hotelka Posh Treats oo Xalay fiidkii qarax xoogganiyo Weerar toos ah uu ka dhacay.
Wararka ayaa sheegaya in in dadka la soo bad baadiyay ay isugu jiraan Itoobiyaan iyo Kenyan oo shaqaale ka ahaa Hotelka Posh Treats.
Sidoo kale waxaa la soo bad baadiyay dad kale oo ahaa dadkii Hotelka ka cunteynayay, waxaana markii hore jiray xaalad hubaal la’aan.
Warar kala duwan ayaa markii hore ka soo baxaya qaraxa oo bartilmaameedkiisa la sheegay inuu ahaa Hotelka Posh, hase ahaatee waxaa muuqata in qaraxyada ay si isku mid u saameeyeen labada Maqaayadood ee Pizza House iyo Posh Treats.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan lix ruux ay ku dhinteen qaraxa, isla markaana ay jiri karaan in khasaaraha intaan ka badan karo.
Hoos ka Daawo Sawirada:-