Maamul Dibad Jooga ah ee Deegaanka Goof Gaduud oo dhaca Duleedka Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay ayaa sheegay in Dadka deegaankasi ay dhibaato kala kulmaan Xarakada Alshabaab ooo gacanta ku hayo deegaankaasi.
Gudoomiyaha Deegaanka Goof Gaduud Xuseen Xasan Wardheere ayaa sheegay in dadka deegaankaasi xaaladooda ay ka warhaayaan oo ay kusoo wargeliyaan in dhibaato joogto ah ay kala kulmaan Xarakada Alshabaab.
Gudoomiye Wardheere ayaa ku nuux nuuxsaday in ka Maamulka Deegaankaasi ay aad kaga xunyahiin arrimahaasi, isagoo aaq u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay maamulkaasi ku caawiyaan sidii ay ula wareegi lahaayeen gacan ku heynta deegaankaasi.
Hoos ka Dhageyso Codka:-