Ururka Daacish oo isu magacaabay Dowladda Khilaafada Islaamka, ayaa dagaal-yahanadii ugu badnaa oo ajaaniib ah soo geliyay dalka Somaliya, gaar ahaan Gobolka Bari.
Doomo ay la socdeen dagaal-yahanadan, ayaa 48-kii ee la soo dhaafay soo gaaray Xeebaha Degmada Qandala ee Gobolka Bari, iyagoona gudaha u galay buuraha ku yaala duleedka degmadaasi.
Dagaal-yahanadan oo tiradooda lagu sheegay laba boqol oo nin, ayaa waxaa la tilmaamay in ay u kala dhasheen Wadamada Yemen, Iraq iyo Syria.
Ilo wareedyo muhiim ah, ayaa Dhacdo.com u sheegay in goor dambe laga war helay imaanshiyaha dagaal-yahanadaasi ee Xeebaha Gobolka Bari.
Saraakiil iyo dagaal-yahano ka goystay Shabaabka ku sugan buuraleyda dhirirsan ee Golis, ayaa 25-kii bishii October ee sanadkii 2015-ka ku dhawaaqay in ay ku biireen Ururka Daacish.
Daacishta ku sugan deegaanada Puntland, ayaa waxaa hogaamiya C/qaadir Muumin, oo Shabaabka u qaabilsanan jiray dhinaca dacwadda.
Daacishta Somaliya, ayaa waxaa la xusuustaa in ay sheegatay masuuliyadda weerar ismiidaamin ahaa, oo 23-kii bishii hore ee May ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Imaanshiyaha dagaal-yahanada ajaaniibta Daacish ee deegaanada Puntland waxay ku soo beegmaysaa, xilli 10-kii bishan uu Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas uu iclaamiyay dagaal ka dhan ah Uurrada Al Shabaab iyo Daacish.
Kooxaha argagixisada ee dagaalka ka wada Somaliya, ayaa waxaa loo arkaa caqabadda 1-aad ee dalka ka hortaagan in uu horey u dhaqaaqo.