DHAGEYSO:- Shirweynaha dib u heshiisiinta Qaranka oo Maanta la soo xerayo iyo Madax sare oo ka qeyb galeyso xeritaankiisa

0

Waxaa Maanta lagu wadaa in la soo gabagabeeyo Shir weynaha Watashiga Qaranka ee Hanaanka dib u heshiisiinta oo maalmihii la soo dhaafay Muqdisho ka soconaayay.

Shirka ayaa waxaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobo Muhiim ah oo ay ku heshiisiiyeen dadkii ka qeyb galay iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa loogu hadlay dib u heshiisiinta, Nabadda iyo Xalinta Khilaafaadyada Soomaalida.

Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay qaabkii lagu xaliyay dagaal beeleedyo ka dhacay degaanada Maamulada Dalka ka jira ay ka taliyaan.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in shirka Maanta ay la soo xerayo Madaxda qaranka ay ka qeyb galayaan Xeritaankiisa.

Hoos ka Dhageyso Codka:-