Wasiir Qarjab “Puntland Jawaab ayay Ka Bixin Doontaa Weerarkii Af-urur”..

0

Degmada Qandala ee Gobolka Bari waxaa gaaray Guddi wasiirro oo dhawaan loo magacaabay weerarkii Lagu laayay Ciidamada Puntland ee ka dhacay deegaanka Af-urur uu u dhow Magaalada Boosaaso.

Waxaa wasiiraddaan ku wehliya socdaalkooda Gobolka Bari  taliyaha ciidanka difaaca maamulka  Puntland Gen, Saciid Dheere iyo saraakiil ciidan oo kale.

Ugu horeyntii Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo kulamo la qaatay dadka deegaanka iyo Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa balanqaaday inay Puntland bixindoota jawaabta shacabku ka sugayaan ee ah ka jawaabida weerarkii Al-shabaab ay ku lahaayeen Ciidamada Puntland, isagoo hoosta ka xariiqay inaysan Puntland u dhutinayn jab yar oo kasoo gaaray Al-shabaab.

Sidoo kale Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay dowladda kala shaqeeyaan ciribtirka Al-shabaab, isagoo xasuusiyay inaysan Al-shabaab isugu mid yihiin dowlad iyo shacabba.