Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa hada garay Hotelka City Palace ee Muqdisho oo uu ka socdo Shirweynaha Wadatashiga Qaranka ee Hanaanka dib u heshiisiinta.
Madaxweynaha ayaa waxaa lagu wadaa in uu shirka soo xero oo uu halkaasi ka jeediyo Khudbad xeritaan ah oo uu kaga hadlayo ahmiyada dib u heshiisiinta ee Dowladda.
Madaxweynaha waxaa la socda Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan labada golle ee Dowladda.
Shirkan ayaa 5 maalin ee la soo dhaafay ka socday Muqdisho, waxaana soo qaban qaabisay Wasaarada Arrimaha Gudaha.
Waxaa inta uu shirkaan socday loogu hadlay dib u heshiisiinta iyo sida loo xalin karo khilaafyada Soomaalida.