Kenya oo ka hortageysa Miinooyinka lagu Aaso Waddooyinka

0

Taliska Ciidamada Booliska Kenya ku dhawaaqay in ay qaadayaan tilaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanaayo Miinooyinka lagu Aaso wadooyinka gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ee ay geystaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Booliska Kenya waxa ay sheegeen in bilooyinkii lasoo dhaafay ay ku dhinteen dad badan oo Shacab ah Miinooyinka lagu Aaso wadda Hareeraheeda.

Afhayeenka Ciidamada dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay in Arrintaasi laga hortagi doono,islamarkaana  Ciidamo illaalo ka noqon doona wadooyinka ay Shacabku Maraan la sameyn doono ayna howlgallo joogto ah ka sameyn doona.

Col. Joseph Owuoth sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dadka Shacabka laga doonaayo hadii ay Arkaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab in ay kusoo wargeliyaan Ciidamada Ammaanka.

Mas’uuliyiinta gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa uu sheegay in ay la tacaalayaan dhibaatada soo gaareysa Ciidamada iyo sidoo kale dadka Shacab ah ee wadda isticmaala.

Bilihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ayaa si weyn u laba jibaaray Qaraxyadda ka dhacaya Wadooyinka gobolka Waqooyi Bari, waxaana ku dhintay dad isugu jira Askar iyo rayid.