Shirka Dib U Heshiisiinta Beelaha Jubbooyinka Oo Galay Maalintii Labaad.

0

shirka jubbooyinkaMuqdisho (AGGM): Shirkii Nabadaynta Beelaha daga Gobalada Jubbooyinka ayaa galay maalintii Labaad kaa oo maalintii shalay ka furmay Magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya.

Kulan uu Shir gudoominayo Gudi Dowlada Soomaaliya u magacowday kaa uu horkacyo Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa qodobadii looga dooday shalay waxaa u badnaa sidii loo taageeri lahaa Maamulka KMG ah ee juba.

Waxaa ergadii ka soo qayb galay shirkaa badankood soo dhawayeen Maamulkaa oo ay sheegeen in ay la shaqayn doonaan waxaana Xubnaha soo dhawayay ka mid ahaa Xubna mucaaradsanaa Maamulka Axmed Madoobe kuwaas oo u arka in uu ahaa Maamul si xeeladaysan loo aas aasay.

Nabadoon Xasan Cali oo ka mid ah ergada Shirkaa ka qayb galaysa ayaa sheegay in Shirkaa uu ku dhamana doono guul waxa uuna rajo fiican ka muujiyay go,aamadaa shirkaa ka soo baxi doona oo noqon doona kuwa wax ku ool ah.

Shirkaa ayaa maanta lagu wadaa in looga dodo qodoba qayb ka ah Heshiiskii Bishii Agust Maamulka Juba iyo dowlada ku gaareen Magaalada Adis ababa kaa oo sharaxaad dheeraad ah lag siin doono ergada shirka ka soo qayb gashay.

Shirkaa ka furmay Shalay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa bar bar socday Shirar kale oo si gooni gooni ah u qabsadeen beelo iyaga ka soo hor jeeda Shirkaa kuwaas oo ku andacoonaya in aan laga qayb galin Shirka Jubooyinka looga hdalayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com