Gaalkacyo (AGGM): Waxaa saaka xaalad degnanaansho ah laga dareemayaa deegaanka Godod ee Gobalka Mudug, halkaasi oo shalay ay ku dagaalameen maleeshiyaad kala taageersan maamulada Galmudug iyo Puntland.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in xaalada saaka ay tahay mid xoogaa xasiloon, kadib markii shalay dagaal xoogan uu labada dhinac ku dhexmaray deegaanka Godod, halkaasi oo khasaaro kala duwan uu ka dhashay.
Masuuliyiinta maamulada Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa dagaalka dhinacba dhinaca kale ku eedeeyay masuuliyada dagaalkii ka dhacay Godod ee dhiiga uu ku daatay.
Inkastoo aan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, ayaa hadana wararka waxa ay sheegayaan in dadka geeriyooday ay gaarayaan ku dhawaad 10-ruux oo dhinacyada dagaalamay ubadnaa.
Dagaalkaan ayaa ah markii labaad oo todobaadkaan gudihiisa uu ka dhaco deegaanka Godod ee Gobalka Mudug, halkaasi oo ah furun ay isku horfadhiyaan ciidamada kala taageersan Galmudug iyo Puntland.
Odayaasha deegaanka ayaa kuguda jira waan-waan la xiriirta sidii xiisada halkaasi ka taagan loo qaboojin lahaa.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com