Qunsulka Guud Ee Caden Oo Booqday Gobolka Laxaj Kulana La Qaatay Guddoomiyaha Gobolkaas

0

Qunsul-Cadan-466x250Cadan(AGGM)Qunsulka guud ee Dawladda  Soomaaliya u fadhiya magaalada Cadan Mudane Axmed Cabdi Xassan ( Axmed Suudaan ) ayaa  booqasho shaqo ku tagay  goblaka Laxaj ee dalka Yemen  oo ay ku taallo xerada ugu wayn ee ay ku nool yihiin qaxootiga Soomaalyeed ee ku nool dalka Yemen .

Qunsulka  oo uu safarkiisa ku waheliyey  madaxa xafiiska UNHCR  ee magaalada  Cadan Mr Bashiir Khaan , ayaa  waxay  kulan   dheer la qaateen guddoomiyaha gobolka Mudane Axmed C/lla Almajiid  , iyagoo ka wada hadaly sidii kor loogu qaadi lahaa xaalada  amniga ee xerada waxna looga qaban lahaa cabashooyinka soo noqnoqday arrintaas oo sababtay in hakad ku yimaado  goobaha tacliinta .

Guddoomiyaha ayaa xusay inuu si dhow ula socdo arimahaasi   si dedeg deg ahna  ugu diray xerada gudi u kuurgala cabashooyinkaas   kuwaas oo  kulamo la yeelan doona odayaasha qabaa’ilka Yemeniyinta ah ee deegaanka ay ku taalo xeradu iyo sidoo kale madaxda qaxootiga Soomaaliyeed  .  isagoo intaa raaciyey inay gudigaas u gogol xaari doonaan sidii uu gudoomiyhu u booqan lahaa xerada si loo soo afjaro cabashooyinkaas . gudoomiyaha ayaa xusay sida uu uga xun yahay inuu hakad ku yimaado iskooladii ay wax ka baranayeen ubadka qaxootiaga Soomaaliyeed , balanna qaaday inuu samayn doono talaabo kasta oo dib loogu farayo iskuuladiii, isagoo ugu baaqay  gudiyada qaxootiga inay la shaqeeyaan hay`adaha amniga  ee xerada  iyo madaxda gobolka si loo soo afjaro arrimahaas .

Qunsulka ayaa si gaar ah ugu mahaceliyey gudoomiyha gobolka Laxaj iyo dadaalkiisa ku aadan sidii uu had iyo goor xal uu ugu  heli lahaa  dhibaatooyinka soo food saara qaxootiga Soomaaliya mararka qaarkood,  isagoo amaanay sida ay nabada iyo xoriyadda ugu haystaan qaxootiga Soomaaliyeed gudaha dalka Yemen oo Soomaaliya kala dhaxeeyo xiriir qoto dheer.

Sidoo kale qunsulka ayaa  waraysi uu siiyey idaacada gobolka Laxaj ugu baaqay qaxootiga Soomaaliyeed inay ka fogaadaan wax kasta oo ciriiri ku keeni kara noloshooda iyo nabadooda , lana shaqeeyaan  si dhow madaxda xerada si aysan u istaagin daryeelkii ay horay u heli jireen .

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com