Muqdisho(AGGM)Waxaa Maalmo kahor Xaafada Gubta ee Degmada Dayniile ka dhacday dhacdo ay aad uga naxeen Dhalinta iyo dadka ku dhaqan Xaafadaasi kadib markii Wiil dhalinyaro ah oo xaafadaasi kunoolaa noloshiisa ku waayay Fariin uu Moobel ka aqriyay.
Dhacdada ayaa timid kadib markii Wiil kamid ah Dhalinyarada Xaafada Gubta oon la ogeyn in uu Al-Shabaab katirsanaa uu Moobelkiisa u dhiibtay Wiil kale oo dhalinyarada kamid ah Xili uu Banooni ciyaarayay , waxaana dhacday Wiilka Moobelka loo dhiibtay oon ogeyn Saaxiibkiis in Shbaaab yahay uu bilaabay in uu Moobeelka ku falaado Waxyaabo ku jirana uu ka dhageesto kana daawado.
Wiilka Moobelka loo dhiibay ayaa isaga oo haya waxaa soo dhacday Fariin kusocotay Yarka Mobelka leh taa oo ka timid dagaalyahanno katirsan Al-Shabaab waxa ayna fariinta u qorneed sidala sheegay ”Mudane isdiyaari Habeen dambe waxaa Weerar lagu yahay Buurka Ciise Cabdi”.
Wiilka markii uu fariinta aqriyay aad ayuu uga naxay mana ogeyn saaxiibkiis in uu yahay Shabaab waxaana dhacday in uusan fariinta tirin waxanaana durba soo wacay Moobeelka ragii fariinta soo diray hasa ahaatee kama jawaabin wiilka Moobeelka looga tagtay.
Ciyaarta markii ay dhamaatay Yarkii Moobeelka lahaana uu la wareegay Telfoonkiisa ayaa waxaa soo wacay ragii Fariinta usoo diray waxa ayna weediiyeen sababta uu Moobeelka uga qaban waayay waxa uuna usheegay in uu banooni ciyaarayay Moobeelkana uu yar u dhiibtay waxaana loo sheegay in fariin loo soo diray lagana codsaday in uu fiiriyo.
Wiilkii Al-Shabaab katirsanaa ayaa durba furay qeybta Fariimaha ee Moobeelkiisa waxa uuna arkay fariinta oo la aqriyay waxa uuna ku wargaliyay asxaabtiisa in uu fariinta arkay laakin ay furan tahay oo horey loo aqriyay taa oo wa wal ku abuurtay ragii fariinta soo diray iyo Wiilkan naftiisa.
Muran iyo wada tashi dheer kadib ayaa lagu amray yarka Moobeelkiisa Fariinta laga arkay in uu soo dilo wiilka fariinta aqriyay si uusan u fakin qorshahooda sirta ah una sheegin Wiilkan dhalinyarada xaafada katirsan inuu Al-Shabaab yahay.
Waxaa dhacday in durba la dilo Wiilkii fariinta aqriyay intii aan la gaarin Salaada cishe ee isla habeenkaasi , waxaana baaqday qorshihii Weerarka ee diyaariyeen ragan katirsan AL-Shabaab habeenkii ay ugu tala galeen balse waxa ay fuliyeen Weerarkaasi habeen ka dib sida ay dhacdadan noogu wariyeen dhalinyaro wax badan kala socday kana mid ah Dhalinta Xaafada Gubta..
Dhacdadan gubta ka dhacday ayaa ah mid dad badan ay ka naxeen waana arin si weyn looga hadalyaho Magaalada Muqdisho qeybo kamid ah , Dhalinta Muqdisho ayaa ah kuwa isla socda hadana kala socda, kuwaa oon qaarkood iska warqabin howlaha ay ku guda jiraan.
Xigasho: Allbanaadir.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com