Danjiraha Talyaaniga Ee Soomaaliya Oo Ka Tacsiyeeyay Masiibadii Ka Dhalatay Dufaanta

0

roma345Roma(AGGM)Danjiraha dowladda Talyaaniga u qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhalatay duufaantii ku dhufatay deegaanno ka tirsan  gobollada Nugaal iyo Bari.

War-saxafadeed uu soo saaray Danjiraha Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya ayaa  lagu muujiyay sida uu uga walaacsanyahay dhibaatada ka dhalatay duufaantii ku dhufatay qeybo ka mid ah gobolada Nugaal iyo Bari.

Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay inuu ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeynayo dhibaatada ka soo gaartay duufaantaasi wuxuuna intaasi raaciyay in dowlada Talyaanigu ka qeybqaadaneyso gargaarka loo sameynayo dadka ku ceyrtoobay Masiibadaasi, isagoo xusay inuu fahmi karo dhibaatada xanuunka leh ee ka dhalatay duufaantaasi.

Dhanka kale Danjiraha aya ugu baaqay caalamka iney usoo gurmadaan dadka ku waxyeeloobay duufaanta, isagoo soo dhaweeyay go’aanka Qaramada Midoobay iyo hey’adaha samafalku ay sida dhaqsida leh ugu gurmadeen dadkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com