AMISOM Oo Lagu Wado In Ay Madaxda Dowladda Kala Hadlaan Khilaafka U Dhexeeya.

0

Cali-Aadam-XaamudMuqdisho (AGGM): Sida uu xaqiijiyay afhayeenka ciidanka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya Cali Aadan Xaamud waxaa maanta lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka si gooni gooni ah ula kulmaan Mohamed Salah Anadif madaxa howlgalka Amisom ee Soomaaliya.

Ujeedada kulanka ayaa ah in Amisom ay kala hadleyso madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya khilaafka ka dhextaagan labada masuul ee dalka oo muddooyinkaan dambe si aad ah usoo shaac baxay.

Afhayeenka Amisom Cali Aadan Xaamud ayaa shirjaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaruntooda Xalane, wuxuu ka sheegay in Amisom ay aad uga xuntahay khilaafaadka hada taagan.

Wuxuu qeexay Xaamud in dadaalada horumarineed ee dalka ka socda uu saameyn ku yeelanayo khilaafka ka dhextaagan madaxda dalka, sidaasi awgeedna ay wanaagsan tahay in la xaliyo khilaafaadka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Saacid ayaa waxaa ka dhextaagan khilaaf xoogan, kaasi oo salka ku haya inuu iscasilo Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com