Duqsiga Ciirta Ayuu Dabaasha Kubartaa Kadibna Fuudka Ayuu Kugubtaa.

0

suldaan1Waxaan idiin soogudbinaynaa Maqaal aan kaga hadlayno sida ay iskugu dabeecad egyihiin Madaxweynayaasha Kasoo jeeda Beelaha Xamar dega (Hawiye) ayna ula macaamilaan R/wasaare-yaasha Kasoo-jeeda Beelaha Daarood.Arintaani maaha midaan Qabyaalad iyo Qaybin uga jeedo, balse waa waxaan layaabay oo aan marnaba laga gaboobayn,dhismaha dawladnimo ayaa markasta waxaa laysku xijiyaa Madaxweynaha & R/wasaraha waxaana kala Qaata Beelaha Daarood & Hawiye.

Sanad kadib waxaad arkaysaa Madaxweynihii oo ka lulanaya R/wasarihii, iyo shacbiyadii Soomaliyeed ee intooda badani xamar kunool yihiin oo aan kadhiidhinayn Tacadiga iyo gaboodfalka loogaysanayo shaqsi Soomali ah xil culusna dalka iyo dadka u haya.

Marbaan waxaan anigu isku sheegay waxaaba xamar degan weliba dhanka xeebta jamalada hoostooda (Jinni) aad ula dagaalama dadka aan xamar kasoojeedin oo welibana Neceb in dadka soomaliyed isku yimaadaan waxaana lagu magacabi karaa Jinnigasi (kalatuure) wuxuuna markiiba kala dhiftaa R/wasaraha & Madaxweynaha wuxuuna diyaariyaa shacabkii dulmiga kutaageeri lahaa Madaxweynaha.

Safaf dhaadheer ayey soogaleen Odayasha Beelaha Hawiye waxay liis dheer kuqoreen magacyadooda si ay u qaabilaan Madaxweyne Hassan waxayna kuguulaysteen saacado kadib inay la kulmaan Madaxweynaha waxayna markiiba kusalaameen waad dadaalaysaa waana kaaga mahadcelinaynaa xiniinyaha aad lasoobaxaday,waxay dhaqan ahaan u muuqataa midkii looga dhaqmayey dhulka miyigaa.waxaana dib ugu noqonaynaa Qormadeena oo aan ugu magac darnay Duqsigu wuxuu dabasha kubartaa Ciirta wuxuuse kugubtaa Maraqa, waxaana taasi maanta duljooga Madaxweyne Hassan Shekh Mohamud, kadib markii uu si hubaala la,aana ugu yeeray R/wasare Saacid uguna sheegay Inuu xilka kadego weliba waxaan dhihi karnaa waxaa arintaasi kamuuqda Quursi iyo Qaadanwaa caqligu uusan ogolayn.

Hadaba hadii labadan beelood ay xafiiltan iyo is maquunis kuwadaan Qaranimadii iyo sharafkii ummadda ,Odayadii ay kusoo laaban lahayeena ay kuwaasi yihiin sow talo kaadhuntay maaha sow Meeshaada iyo meel kasii xun maaha.Hadaba waxaan kutalinayaa in meel layska dhigo Reer Hebel hala durjiyo hala dulaysto halaga danaysto IWM. 1991 ayey bilaabatay is riix-riix aan meelna lagu gaarayn oo salkiisuna yahay Qabyaalad Miraha laga gurtayna ay yihiin kuwa sibirka kaqaraar, waxaana markan lasoogaaray xiligii si wadajira oo aan cidna cidkale kutakri falin loowada noolaan lahaa layskuna ixtiraami lahaa xilalka dawligaa iyo weliba kuwa Goboled intaba.

Mida Maanta joogtaahi siima joogayso jiilalka aad horseedka utihiina way wareer sanyihiin waxayna isa saareen dhabanada iyo gacmaha, mana garanayaan qaarkood halka uu kuyaalo dhulka soomaliya Qabyaalad iskaba dheefe waxayna jecel yihiin inay tagaan oo ay kunoolaadan Dhulkooda hooyo.

Allaha idinku duwo inaad Khayrka waafaqdaan Qabyaaladana iska dhaaftaan.

W/Q: Suldaan Ali Abdulahi Hassan
Shacbaan@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com