Gudoomiyaha Deegaanka No 50 Oo Sheegay In Weli Ciidamada Dowladda Ay Kulaalayaan Deegaankaas.

0

top-newsNo 50 (AGGM): Masuuliyiinta maamulka deegaanka Nambar Kontan ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegay inay cabsi ka qabaan dagaal markale ka qarxa deegaanka Nambar Kontan ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Guddoomiyaha deegaanka Nambar Kontan C/laahi Waafoow, ayaa sheegay in ciidanka ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya ee ay kula dagaalameen deegaanka Lambar Kontan weli ay ku sugan yihiin difaacyadii Muuri ay ku lahaayeen.

Wuxuu sheegay inaysan jirin ciidan lakala qaaday oo lakala kaxeeyay ciidamada Milateriga Dowladda Soomaaliyana ay joogaan goobihii ay kasoo duulaan tageen ee deegaanka Muuri.

Waafoow, ayaa tilmaamay inay weli iyaga joogaan deegaanka oo ay difaacooda ku jiraan, shalayna ay uyimaadeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo ka tacsiyadeeyay kaliya dhibaatada dhacday.

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminaye oo shalay gaaray deegaanka nambar Kontan ayaa sheegay dagaaladii halkaasi ka dhacay inaysan aheyn dagaal beeleed balse uu ahaa isku dhac dhexmaray ciidanka deegaanka iyo kuwa Dowlada federaalka Soomaaliya.

Milateriga Dowladda ayaa weli waxa ay ku sugan yihiin deegaanka Muuri oo kudhaw Nambar Kontan halkaasi oo ay fariisin ka dhigteen sida uu Risaala u xaqiijiyay Guddoomiyaha deegaanka Nambar Kontan C/laahi Waafoow.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com