MAXAA NAGA DHUMAY, MAXAYSE U DHUMEEN. W/Q. Khaliif Ashkir Diinni

0

GEDSC DIGITAL CAMERAGOBANNIMO WAXAA KAA TUURA:-

· Gar-weecsan.

· Guddoon jilicsan.

· Iyo gacan guran.

Qoddobbada kor ku qeexanu waxay ku soo fool-lee yihiin MUDANAYAASHA Soomaaliya.

Waxaa la sheegayaa in maalinta Sabtida ah, kulanka Golaha Mudanayaasha lagu falanqayn doono xaaladda cakiran ee dhextaal madaxda sare ee qaranka.

Sida caqliga guud (common sense) sheegayo, waxa ugu horreeya ee qaalli kasta ee xukun ridaya laga sugayo waa inuu labada dhinac dhageysto oo mid kastaa gartiisa soo bandhigto. Markii qaalligu xaqiiqsado sida wax u jiraan ayuu go’aanka ku haboon gaaraa.

Garta labada ma’suul u dhexaysaa, waa soo magacaabidda wasiirada iyo is-casilaadda. Arrimahaasna waddada kaliya ee loo mari karaa waa Dastuurka. Isagaana in loo hiilliyo cid kasta ka mudan.

Haddaba waxaa jira tuhun weyn oo ah in Mudanayaasha qaarkood rabaan inay garta cayn-wareejiyaan oo ay arrinta ka dhigaan barlamaanka oo kalsoonidii dawladda kala laabtay. Taasu waxay ku bannaan tahay heeskii ahaa:

· Ninka dhumanaayee,

· Dhabarku muuqdow ,

· Waa dharaar lagu dhawrayee.
Haddii si kale loo dhaho, waxay la mid tahay:-

Iyadoo garsoore maxkamad fadhiyaa isu baddalay, doodaa dhinacyadii is haystey mid ka mida wakiil u ah.

Mudanayaashu madaxda is haysata midkoodna qareen uma ah, mana mudna inay midkoodna u noqdaan yaabbadii uu beerta ku falan lahaa (xaasha).

Cidkastaa waa ogtahay inaan barlamaanku Sabtida soo socota mooshin dawladda lid ku ah soo diyaarin. Waxa loo fariisanayaa waa kala saarka ma’suuliyiinta. Ma aha laba arrimood ee laysku qaldi karo.

Qiyaastii 3 bilood ayaa laga joogaa markii mooshin dawladda ka dhan ah oo mudanayaasha qaarkood wadeen fashilay.

Wax bil ka yar ayaa ka soo wereegay, waqtigii Xogyaha Golaha Mudanayaashu sheegay in aan dawladda mooshin ku socon ee ay misaaniyaddi sanadka Golaha hor keenayso.

Digniin:- Madaxda waa laga maarmaa oo qaar kalaa la dooran karaa, ama la magacaabi karaa, laakiin Golaha shacabka haddii sharafta iyo aaminaaddu ka dhimato waa qaran=jab kii ugu weynaa.

Ninkii lacag la ordaya ka cuna, (risul miskiin fi yadul majnuun) laakiin gar-weecsan oo loo wada jeedo ha naqina

MAXAA NAGA DHUMAY, MAXAYSE U DHUMEEN.

Gabaygeygii Wadna qabad waxaa ku jirey dhaw beyd oo fasiraya waxa manta na haysta. Waxayna ahaayeen sidaan:-

Anigoo wan-weyn raba

Maxaa waxar la ii-loogay (la ii-qalay),

Markaan walamso baridii is-idhi

Weyd maxay noqotay,

Wahey dugaye taladii

Maxay iga wadeecowday.

Tanu fasiraad uma baahna, waxay ifinaysaa darajada ay kala joogaan, Ra’jadii Qarannimo ee ummadda Soomaaliyeed soo gashay iyo sida sahalka ah ee ay faraha ugua baxaday.

Haddii la fasiro su’aasha oranaysa:-

Saacid waa PM-kii 5aad ee shaqada laga eryey, ee maxay tahay qaylo dhaanta dheeradka ah ee soo korortay?
Su’aashaas waxaa loo helayaa jawaabo dhawr ah oo kulligood qaran jab xambaarsan.

1. Caalamku wuxuu Soomaali u fidiyey hiil iyo hoo xad-dhaaf ah oo cadowga Soomaaliya madaxa ka wareershay, gacalka Soomaaliyana qalbiga u nuurshay. Waxaana caalamku aaminey inay dawladdaanu leedahay ‘isku xirnaan iyo dawladnimo wanaag. (coherence and good governs)

Haddii fadeexadaani sii dabo dheeraato, asii awalba layno mar-marsinoonayey, xalku wuxuu noqon karaa ‘ la mood noqonse weydey).

2. Haddii dawladaha waaweynu kalsoonida naga ceshadaan, wixii:-

‘YAM-YAM IYO QADAAD WEYN AHAA EE NOO CIIL QABAY AYAA MIDDIYAHOODA IYO MASAARAHOODA SOO QAADANAYA’ taasuna waa dhibaato hor leh ee soo noqotay.

3. Dagaalkii caalamiga ahaa ee adduunku naga caawimayey waa dhicisoobayaa, sida AMSON-ba sheegtay.

4. Dastuurkii awalba loo injiro-qabanayey, wuxuu noqonayaa mid meeshaba ka baxa, mar hadduu ka hoos maray dan shaqsiyadeed.

5. Intaas oo dhan waxaa ka daran tan mudanayaasha Soomaaliyeed ku soo fool leh. In kasta oo na rabin inaan ra’yigeyga ku jaangooyo, wararka suuqa, haddana waxaa meediyuhu sheegayaa inuu jiro gor-gortan dhaqaaleed oo mudanayaashu ku mashquulsan yihiin. Haddii xukunka ay ridayaan iyo tuhun kaanu is waafaqaan, markaas waxaa geeriyowday sharaftii mudanayaasha, geeridaasuna waxay la aakhri-tageysaa rajo qarannimo ee did dambe loo haweysto.

YAA XAL KEENI KARA.

Haddii wasiirada lagu muransan yahay ka tanasulaan jagooyinkooda. Xal ma noqon karto, maxaa yeelay iyagu fidnadey abuureen ee fidnada ma dabin karaan.

Haddii Saacid yeelo waxa Madaxweynuhu rabo oo dhan, wali waxaa lays weydiinayaa meesha Dastuurkii ku dambeeyey, waana ceebta ugu weyn ee dawladda soo wajihi karta.

Markaas, waxaa la oran karaa, cidda kaliya ee arrintaan daaweyn kartaa waa M/weyna Xasan Sh. Waana inuu ku dhiirado badbaadinta qaranka oo aan wax ka fiican la sugi Karin.

MAXAA TALO AH.

Barlammaanku guddi ha qabto. M/weynaha ha ogoleysiiyeen inuu ka noqdo go’aankii hore. Hana ku dhawaaqo in PM-ku u madax bannaanyey soo magacaabidda wasiiradiisa sida dastuurku qabo.

Isla guddigaasu PM. Ha ogoleysiiyeen inuu liiska ku soo daro inta badan magacyada M/weynuhu rabo. Hana ka dhaadhiciyeen inuusan wadi Karin dawlad habaar waalid qabta.

Wasiirada M/weyna ku dhawna ha loo sheego inay MP ka la shaqeeyaan oo ay ilaaliyaan nidaamka dawliga ah.
Khalif Ashkir Diini.
Madaxa Rugta Maskaxda

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com