AKHRISO: Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ Oo Cambaareeyay Go’aanka Wariyeyaasha Looga Xanibayo Gelitaanka Garoonka Diyaaradaha Aden-Cade Ee Muqdisho

0

Ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj wuxuu si kulul u cambaareynayaa kuna tilmaamayaa wax laga wada xumaaado warqad warggelin ah oo 21/09/2016-ka ka soo baxday xafiiska maareeyaha guud ee maamulka amniga garoonka diyaaradaha ee Aadan-cade General Ashkir Jaamac, taas oo lagu amrayay in hay’adaha amniga garoonka ay ka xanibaan wariyaasha Soomaaliyeed gelitaanka garoonkaas mudo lixdan cisho ah, hadii aanay wax fasax ah ka haysan maamulka garoonka diyaaradaha.

Go’aankaas wuxuu si wey caqabad ugu yahay shaqada wariyaha Soomaaliyeed ee doonaya inuu si xor ah ugu adeego shacabkiisa, sida lagu xusay go’aanada ku yaala warqadda uu tixraaceedu ayahay Ref:AIA/0625/2016, ciddii aan u hogaansamin qodobadaas wargelinta ah waxaa ay mutaysan doontaa ganaax shirkadeed, xadhig iyo in gabi ahaan ba laga manuuco soo gelintaanka garoonka.

HOOS KA AKHRISO

nuso nuso1