DHAGEYSO : Faah faahin ka soo Baxaysa, Sarkaal ka tirsan ciidamada Militariga Somaliya Oo Lagu weeraray Duleedka Muqdisho.

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya duleedka Magaalada Muqdisho, qarax khasaare gaystay ayaa lala eegtay Sarkaal ka tirsan ciidamada Militariga Somaliya.

Sarkaalka qaraxa lala eegtaya ayaa ah Taliyaha Guutada Saddexaad Ciidamada Militariga Somaliya, wuxuuna maraayay xilliga qaraxa lala beegsanaayay inta u dhaxeysa deegaanka Tareedisho iyo deegaanka Garasbaaley, waxaana qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago.

Sarkaalka qaraxa lala eegtay oo lagu magacaabo Aadan Laba Afle ayaa ah Taliyaha Guutada Saddexaad ee ciidanka Xoogga dalka Somaliya, wuxuuna Sarkaalkaan laba Afle la dhashay General Goobaale oo qarax Ismiidaamin lagu dilay Sanad ka hor.

Gaadiidka dagaalka Sarkaalkaan uu watay oo meesha maraayay, ayaa mar kaliya qaraxa miinada lala eegtay, waxaana halkaasi ku dhaawacmay ciidamo ka mid ahaa kuwii saarnaa Baabuurka.

C/laahi Gaambure oo ka mid ah Maamulka deegaanka Garasbaaley, ayaa sheegay in ciidan saarnaa gaari Cabdi Bile ah qaraxaasi ay ku dhaawacmeen, balse uusan jirin khasaare kale oo ka dhashay qaraxa.

Ciidankii qaraxa ku dhaawacmay, ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa inta badan qaraxyada Miinooyinka waxa ay ku aasaan aaga wadada deegaanka tareedisho, halkaasi oo dhawr mar ay kula eegteen kolonyo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Somaliya.

DHAGEYSO WARBIXIN :