Wax Ka Ogow Sababaha ay Maanta Dib ugu dhacday Wareejitaankii Dekedda Boosaso ee Shirkadda DP World ?

0

Maanta oo aheyd Kowda Bisha Tobnaad ee October wuxuu qorshuhu ahaa in si rasmi ah Dekedda Boosaso, loogu Wareejiyo Shirkadda DP World ee Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxeyna u muuqataa in Howlo Farsamo dartood in ay dib uu u dhacday,

Heshiiskan oo La Galay 6-dii April 2017 ayaa Waxaa Qorshuhu ahaa in Shirkadu ay maanta Si Rasmi ah u bilowdo Shaqada Dekedda, waxaana La dareemayo Culeysyo Badan oo ka Jira Bilaabitaankii Shaqada Dekedda oo la sheegay in dad gaar ah ay culeysyo ku saarayaan dowladda in laga baxo Heshiiskaasi,

Ilaa maanta waxaa Jiray Taleefeeno & Imeelo ay is Weedaarsanayeen Madaxda Shirkadda ee Fadhigoodu yahay Imaaraadka, iyo Madaxda Puntland ee Galay Heshiiskan, kuwaas oo iyaguna ku sugan Magaaladda Boosasaso

Warar lagu kalsoonaan Karo oo aan heleyno Madaxtooyada Puntland ee Boosaso, ayaa sheegaya in wax kabadal lagu sameyn karo Qodobada ku jira heshiiska oo ay kamid yihiin In loo wareejiyo mashruuca dekedda, Degmadda Garacad ee Gobolka Mudug, Halkaasi oo ay u arkaan meel Ka Saxmad iyo Howl yar Tan Boosaso,

Waxeyna talabadaasi Dhabarjab xoog leh ku noqon doontaa Dadka Reer Boosaso, ee diidan Mashruucan iyo Hirgalintiisa, iyadoona waxgaradka deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, ay noo sheegeen iney soo dhaweynayaan Hadii mashruuca loo Wareejiyo Halkaasi,

Waa macquul in waxkasta ay is badalaan oo dowladu u bareerto in ay mashruucaasi u wareejiso Degmada Garacad oo ah degaan xeebeed dhaca woqooyi bari Gobolka Mudug ee Soomaaliya.

Xogaha kale ayaa sheegaya in Saraakiil ka Tirsan Dowladda Itoobiya ay xukuumada Puntland Culeys ku sarayaan in Mashruuca dekedda loo wareejiyo Dhinaca Garacad, oo masaafo ahaan oga dhow magaaladda Boosaso, ee Xarunta Gobolka Bari,

Iyadoona sidoo Kale ay shirar Kala duwan ka socdaan Magaaladda Dubia ee Xarunta Shirkadda, Kuwaas oo u dhaxeeya Wakiilo ka socda Puntland iyo Itoobiya oo Ka tashanaya sidii arintaasi loo Loo wada xalin lahaa

Qodobada gundhiga u ah heshiiska ayaa ah in deked balaceedu yahay 450 mitir joogeeda hoosena yahay 12 mitir oo cusub la dhiso, isla marhaantaan la dayactiri doono dekeda hada jirta ee Magaalada Boosaaso,

lacagta lagu maalgelinayo mashruuca ayaa dhan $ 336 millionDollar, lacagtaas oo wejiga koowaad ee dekada la gelin doono $ 200 million Dollar, halka wejiga labaad ee dekada la gelin doono lacag dhan $ 136 million Dollar,

Dhismaha dekada ayaa lagu dhamays tiri doonaa mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta heshiiska la saxiixay, heshiiska ayaa waxaa uu socon doonaa mudo 30 sanadood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda heshiiska la saxiixay.

Kala Soco All-Galgaduud Wixii ku soo kordha Insha Allah

Maxamed Xuseen Caynab

Boosaso – Puntland