DHAGEYSO:- Afhayeenka Ciidamada XDS ee gobolka Galguduud oo beeniyay inay ku lug leeyihiin xiisada siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxda Galmudug.

0

Afhayeenka Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Cabdullaahi Iimaan Ceynte ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Galgaduud aysan ku lug laheyn xiisada Siyaasadeed ee ka dhex jirta Madaxda Galmudug.

Cabdullaahi Iimaan Ceynte oo ka jawaabayay eedeyn kaga timid Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf taas oo ku saabsaneyd in Ciidamada dowladda Soomaaliya qeybta 21,aad ee ku sugan Gobolka Galgaduud ay qeyb ka yihiin xiisada ka jirta Cadaado.

Dhinaca kale Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay yihiin Ciidanka Qaran balse aysan aheyn kuwa qabiil loona baahan yahay in madaxda Galmudug ay ixtiraamaan.

HOOS KA DHAGEYSO

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media