TOP DHAGEYSO:- Siyaasi sheegay in Shirka Kismaayo uu kala fogeyn karo Madaxda dalka

1

Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo ah Diblumaasi  aad u falanqeeya Siyaasada Soomaaliya ayaa soo jeediyay Cawaa’qib xumo ka dhalan karta Shirka lagu wado inuu ka dhaco Magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay shirkaasi inuu noqon karo mid sii kala fogeeya dhinacyada isku heysta siyaasada Soomaaliya oo ay dhici karto inuu noqdo mid madaxda Soomaalida ay isku dhaleeceyso.

Waxaa uu sheegay in arrinta Khaliijka Soomaaliya ay faa’iido u noqonayso haddiiba Sacuudiga uu dhaqaale 50 milyan oo dollar ah ugu yaboohay dowladda sidaa darteedna Qatar iyana ay dhaqaale bixin karto.

Khilaafka madaxda ayuu ku sheegay mid dili kara rajada umadda Soomaaliyeed ay ka qabtay dowladnimada.

Caalim ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dalka iney gacmaha is qabsadaan, wax walbana ay ka eegaan danta dalka iyo dadka.

HALKAAN KA DHAGEYSO

Comments are closed.