TOP DHAGEYSO:- Qaadka oo laga Mamnuucay Magaalada Xudur

0

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa sheegay in la joojiyay Qaadkii keeni jiray Degmada Xudur laga bilaabo Maanta oo ah 4-Bisha October islamarkaana lagu Wargeliyay Diyaaradaha Qaadka geeya Magaalada Xudur Ee Caasimadda Gobolka Bakool.

Maxamed Cabdi Tool Guddoomiyaha Gobolka Bakool ayaa sheegay in Diyaaradii keenta qaad Magaalada Xudur la ganaaxi doono Lacag dhan 2 Kun oo Dolarka Mareykanka ah,loona diidi doono in ay ka Duusho Magaalada oo la xanibi doono.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool ma sheegin Sabab rasmi ah oo keentay in Qaadka laga joojiyo Magaalada Xudur ee Caasimad Gobolleedka Bakool.

HALKAAN KA DHAGEYSO