TOP NEWS:- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali oo waajahaya duufaano siyaasadeed oo culus.

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan Magaalada Boossaaso ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxwayne Gaas ay soo food-saartay culays siyaasadeed oo aad u adag, kaasi oo kaga imaanaya jihooyin kale duwan.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Shirkii Golaha wasiirada Puntland ee khamiistii dhawayd C/wali Gaas Ajandihiisa kusoo daray qorshe lagu diyaarinayo mooshin ka dhan ah Madaxweyne kuxigeenka Puntland Engineer Camay, arrintaasi ayaa golaha dhexdiisa ka dhalisay buuq iyo sawaxan, waxaana Goluhu ku qanciyay Gaas in arrintaasi la joojiyo xilligaan, taa badalkeedana iyadoo laga jawaabayo hadalkii Camay uu goluhu taageero Shirka Kismaayo.

Madaxwaynaha Puntland C/wali Gaas ayaa horay waxaa dakharo siyaasadeed oo saamayn ku yeelatay ku noqotay Xilka qaadistii uu ku sameeyay W/dowlihii Madaxtooyada xiriirka Gobollada Bashiir Gurxan, iyadoo tillaabadaasi ay bilow u noqotay mad-madoow soo kala dhex galay Xiriirkii Puntland iyo Itoobiya oo markii hore wanaagsanaa.

Wararka saaka ugu dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in badi xildhibaannadii Puntland ay ka diideen Madaxwayne Gaas in ay u raacaan safarka Kismaayo marka laga reebo 1 xildhibaan oo xukuumadda ka ag-dhow. Arrintaasi ayaana salka ku haysa xilli maalmihii ugu dambeeyay Guddoonka iyo Xildhibaannada Puntland qayb-tood ay kula taliyeen Mr Gaas in uu ka baaqdo Shirka Kismaayo.

Dhinaca kale marka loo kuurgalo, kacdoonka Reer Barigu ay wadaan, buuqa ka dhashay hishiiska DPWORLD, Khilaafka u dhaxeeya Gaas iyo Camay, Kala aragti duwanaanta Gaas iyo Guddoonka Baarlamaanka Puntland, Shakiga Puntland Iyo DF soo kala dhex-galay intaas marka la raaciyo daruufaha amni, iyo kuwa dhaqaale ee Puntland ka jira ayaaa ku tusaya in Madaxwayne Gaas uu waaajahayo jahwareer siyaasadeed oo aad u xun.

Isku soo wada duuboo Madaxweyne Gaas ayaa daqiiqado kadib ka duuli doono Garoonka Diyaaradaha Garoowe, isagoo ku wajahan Magaalada Kismaayo oo ay isugu tageen dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media