DHAGEYSO:- Magacyada Ganacsato Ahlusuna Ay Ku Xir Xirtay Dhuusa Mareeb

0

Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna wal-jamaacada waxa ay degmada Dhuusa mareeb ee Xarunta Gobolk galgaduud ku xir xireen tiro Ganacsato ah oo haween u badan.

Ganacsatadan qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in sababta loo xir xiray ay tahay in ay weydiiyeen in ay bixyaan lacago farabadan oo ay ku sheegen in ay tahay Canshuur taas oo aysan awoodin Ganacsatada in ay bixiyaan.

Mid ka mid ah Ganacsatada degmada dhuusa mareeb ayaa waxa ay sheegtay in Ganacsatada la xir xiray ay ku jirto Gudoomiyaha ururka haweenka degmada Dhuusa mareeb kuwaas oo magacyadooda ay kala yihiin.

1: Siraad Jirde Faarax oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Dhuusa Mareeb

2: Ruqiyo Macalin Axmed

3: Sahro Xasan Cabdi

 

4: Sagal Cilmi Xersi

5:-Safiyo Xersi Wanaagsan

6: Shuri Wadaad Yare

7: Shukri Sheekh Axmed

8: Istaahil Dhiijaan

Iyo Goodax Maxamed Maxamuud

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO