Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Xukumada Federaalka Soomaaliya Axmed Maxamuud Sayid Carab oo la hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in Laamaha Amaanka soomaaliya ay ku guulaysteen Xasilinta Amniga Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo Gobolada Dalka.
Axmed Maxamuud Sayid Carab afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay taasi ku imaatay wadashaqeynta Shacabka iyo hay’addaha Amaanka qaranka loona baahan yahay in laga hor tago waxkasta oo kasoo hor jeeda hanaanka Amniga Dalka.