DHAGEYSO WAREYSI : Koonfur Galbeed oo Ka Hadashay Mideynta Ciidamada Roobow iyo Kuwa Koonfur Galbeed

0

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in uu meel gaba-gabo ah uu marayo wadahadalka lagu mideynayo ciidamada Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdi Aadan ayaa sheegay in qorshaha lagu mideynayo labada Ciidan dhawaan guul laga gaari doono,islamarkaana Ciidamadii Muqtaar Roobow oo dhawaan isku dhiibay Dowladda Soomaliya ay ku biiri doonaan dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab ee ka socda Gobolada dalka Soomaliya.

“Waxaa socda qorshe Ciidamada Muqtaar Roobow iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaliya lagu mideyn doono, Ciidamada Roobow waxa ay ku sugan yihiin deegaankii ay awalba joogen weeraro ayay kala kulmaan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, mustaqbalka dhow Ciidamadaas Maamulka Koonfur Galbeed ayay kusoo biiri doonaan “, ayuu yiri

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdi Aadan waxa uu sheegay in meel wanaagsan ay marayaan qorshayaal lagu doonayo in Al-shabaab loogu saaro qeybo kamid ah Gobolada Baay iyo bakool iyo koonfurta dalka Soomaliya.