Taliska Booliska Maamulka Koofur Galbeed ayaa Siyaasiinta Mucaaradka ah iyo Saxaafadda ka shaqeysa Degaanada Maamulka Koofur Galbeed ku amray in ay joojiyaan Wararka wax u dhimaya Maamulka Koofur Galbeed.
Taliyaha Ciidamada Booliska Koofur Galbeed Mahad C/raxmaan Aadan oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Ciddii Maamulka ka faafisa Warar lagu dhaliilayo Koofur Galbeed ay xabsiga dhigi doonaan islamarkaana aysan Cidna uga Cabsan doonin.