Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta ku fashilmay Dowladihii dalka soo maray ayaa bilaabay faafinta dacaayado raqiis ah ah oo ka dhan ah Dowlada Federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweye Farmaajo.
Baraha Bulshada kuwada xariirto ayaa aad looga nacay Xildhibaanada iyo Siyaasiiyiinta kale ee ku mashquulsan xili waliba faafinta Dacaayada ka dhan ka ah Dowlada, waxa ayna Xubnahan kasoo horjeedaan in horumar la gaaro dowladana soo celiso sharaftii Qaranku lahaa.
Xildhibaanada qaar ayaa baraha bulshada ay ku leeyihiin sida Facebook iyo Twitterka soo dhiga qoraalo iyo muuqaalo dacaayad ah , waxa ay sidoo kale share gareeyaan dadka iska soo duuba ama soo dhiga baraha bulshada waxyaabaha lidiga ku ah nabada iyo Dowladnimada Soomaaliya.
Dadka cilmiga u saaxiibka ah iyo dadka samaha jecel ayaa aad ula yaaban hab dhaqanka Xildhibaanada iyo Xubnaha kale ee qaarkood dowlada kamid yihiin ee ku mashquulsan ceebeynta iyo xumaan ka sheegida dowladii ay kamidka ahaayeen.
Waxaa hada sii badanaya masuuliyiin qaarkood dowlada ku jiraan iyo dad kale oo cadowga u shaqeenaya kuwaa oo ku mashquulsan sidii loo fashiln lahaa dowlada Shacabka Soomaaliyeed u wada riyaaqeen ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.
Xildhibaanada danleyda ah ee mucaaradnimada madax martay shilimaadkana doonaya ayaa u muuqda kuwa aan dhageesan dadka Soomaaliyeed ay matalaan, waxa ayna Xildhibanaadan iska indho tiraan rabitaanka bulshada Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Waxaa la isweeediinayaa dadka doonaya in ay dumiyaan ama fashiliyaan dowlada hada jirta maxey doonayaan oo ka faa’iidayaan hadii dowlada la dumiyo ama laga dhigo mid fashilan oon dunida karaamo aan ku laheyn?
Isku soo wada duboo Shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay gacmaha is qabsadaan ayna taageero u muujiyaan dowlada loo wada riyaaqay ay Hogaamiyaan Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo , Jawaari iyo Ra’isul Wasaare Kheyre.