Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo shalay gelinkii dambe dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ayaa dardaaran u jeediyay Shacabka ku nool deegaanada Maamulkaas.
Waxa uu sheegay in Shacabka Jowhar iyo Guud ahaan Hir-Shabeelle ay waqti badan ku bixiyeen sidii ay uga hortegi lahaayeen fatahaad laga cabsi qabay in uu sameeyo Wabiga Shabeelle.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in dhawaan Jowhar lagu Caleema saari doono Madaxweyne Waare isla markaana Shacabka looga baahan yahay in ay kordhiyaan wadashaqeynta Maamulka Hir-Shabeelle kala dhaxeysa.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle uu dhankiisa waqti gelin doono arrimaha amniga iyo ka hortaga fatahaada Wabiga Shabeelle ee mara Gobolada Maamulkaas.
HALKAAN KA DHAGEYSO