Dowladda Kenya ayaa xus sanadeed u sameyneysa Askarta kaga dhimatay Soomaaliya tan iyo markii ay Ciidankeeda soo galeen gudaha Soomaaliya 16kii October Sanadkii 2011kii.
Mas’uuliyiin ay ka mid tahay Wasiiradda Gaashaandhigga Kenya,Raychelle Omamo,Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya Samson Mwathethe iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya Joseph Boinnet,ayaa munaasibad lagu xusayay Askarta ku dhimatay dagaalka Al-shabaab waxaa ay uga qeyb galeen degaanka Isiolo oo uu ku yaallo mid ka mid ah Saldhigyada ugu weyn ee Ciidanka Kenya ku leeyihiin Waqoooyi Bari.
Saldhiggaas waxaa deggan guutada 3aad ee Ciidanka dhulka Kenya iyo guutada 78aad ee Taangiyada,waxaana sanad kasta lagu qabtaa xuska Askarta Kenya uga dhintay dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.
Magacyada Askarta dhintay ayaa la soo bandhigaa iyada oo sidoo kale Ubaxyo la geeyo halka ay ku aasanyihiin,waxaa kale oo madashaas ka dhaca ciyaaro kala duwan oo lagu soo bandhigo laguna dhiirro geliyo Askarta nool ee wali dagaalka kula jira Al-shabaab.