Waxaa daqiiqad walba sii kordhaya khasaaraha lixaadka leh ee uu geestay qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada muqdisho kuwaas o qaarkood laga helayo goobtii uu qaraxa ka dhacay.
Dadka dhaawacmay iyo kuwa geeriyooday ayaa waxa ay isugu jiraan Masuuliyiin iyo Shacab intaba.
Dadka dhaawacmay sida la sheegay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, kaas oo ku dhaawacmay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada, waxaana xiligaas la joogay Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisow, Wasiir ku xigenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Masuuliyiin kale.
Dhismaha qeyb ka mid ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda yaa xoogaa uu burbur soo gaaray iyo dhismooyin farabadan oo ku yaalla Isgoyska Zoobe.
HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO