DHACDO XANUUN BADAN:- Hooyo sagaal canug ku weysay weerarkii Magaalada Muqdisho

0

Hooyadan oo carruurta ku korineysay agoontimo, ayaa waxay sheegtay inaysan nolol iyo geeri midna ku haynin ubadkeeda. Iyadoo ooyneysay ayay su’aal iska weydiisay halka ay carruurteedu ku maqan yihiin.

“Aaway sagaal agoonaa lahaa? ilmihii dhamaay aaway? Meelluu ku nool yahay ma helo, meelluu jiro ma aqaan, xitaa meydkiisii ma helin, meyd xitaa ma helin. Meyd ma haysto, nolol ma haysto, waa cadibanahay.” Ayay tiri hooyadan.

Hooyadan Soomaaliyeed oo shalay galab timid goobtii lagu qabtay bannaabixii looga soo horjeeday qaraxan, ayaa waxaa la leeyahay waxay beeshay ogaalkii.

Weerarkan oo noqday midkii ugu dhiig daadashada badnaa ee dalka ka dhaca, ayaa dadka ku dhintay waxaa ku jiro kuwo u badan isu qoys iyo inay asxaab ahaayen.

Weerarkan oo kiciyay dareenka dadka Soomaaliyeed, ayaa waxaan jirin cid sheegatay masuuliyadiisa, balse Madaxda Dowladdu waxay si kulul ugu eedeeyen mintidiinta Shabaabka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa shacabka Somaliyeed ugu baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa dadka Somaliyeed u sheegay in Shabaab looga guuleysan karo, iyadoo hal dhinac looga soo wada jeesto dagaalka lagula jiro.