TOP NEWS:- Dowladda oo teleefan gaar ah u sameeyay xaaladaha deg degga ah

0

Hay’adaha ammaanka dowladda Federalka ayaa waxa ay sameeyeen taleefan gaar ah oo dadka ay kala soo xiriiri karaan.

Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaalle (Islow) ayaa Bartiisa xiriirka Bulshada ee (Facebook) wuxuu soo dhigay qoraal kooban oo uu kaga hadlaayo taleefoonka gaarka ah ee Hay’addaha ammaanka sameeyeen.

“Hay’addaha amniga waxay sameeyeen Telefoonka xaaladdaha deg degga ah dadku kala soo xiriiri karaan wixii akhbaar ahna u gudbin karaan WAC 991.” Ayuu yiri Wasiirka amniga oo qoraalkaan soo dhigay boggiisa xiriirka Bulshada.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa horay ugu dhibanaa meel ay kala xiriiraan Hay’addaha ammaanka dowladda, xilliyada ay jiraan xaaladaha u baahan ka jawaabista deg degga ah ee ciidamada.

Lama ogga sida ay uu ku dhaqan gali doono Lambarkaan cusub ee ay sameeyeen Hay’addaha Ammaanka iyadoo Xaaladda Amni ee Muqdisho ay kasii dartay maalmihii lasoo dhaafay.