Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, Michael Keating ayaa kulan looga hadlayay weerarkii ka dhacay Muqdisho waxuu la qaatay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dowladda Jarmalka, Gabriel.
Kulanka u dhaxeeyay Danjire Keating iyo Wasiir Gabriel ayaa waxaa lagu faaqiday arimaha ku aadan Qaraxii ay ku dhinteen boqolaalka ruux, amniga iyo horumarinta ganacsiga.
Wasiirka Arimaha Dibadda Jarmalka, Gabriel, ayaa waxuu sheegay in uu ka argagaxay weerarkii ka dhacay Caasimada Soomaaliya, kaasi oo galaaftay nolosha 3 boqol oo ruux.
Waxaa sidoo kale uu sheegay in muhiim ay tahay in laga shaqeeyo ama sare loo qaado amniga Magaalada Muqdisho, si buu yiri looga hortago weerarada nuucan ee ka dhacaya Muqdisho.
Danjire Keating ayaa soo dhaweeyay hadalka Wasiir Gabriel, waxaana uu ugu baaqay in Xukuumadda Barlin ay qeyb ka qaadato gurmadka caafimaad ee la geynayo Magaalada Muqdisho.
Dalal dhowr ah ayaa gurmad Caafimaad muddooyinkii dambe la soo gaarayay Magaalada Muqdisho, si wax looga qabto Xaalada caafimaad ee boqolaalka ruux, kuwaasi oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.