DHAGEYSO:- Al Shabaab oo sheegatay dilka Xildhibaan Cabdixakiin Tima Faras oo xalay lagu dilay Magaalada Kismaayo

0

War ka soo baxay ururka argagixisada ah ee Al Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada Xildhibaankii xalay lagu dilay Bartamaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Xildhibaankan oo lagu magacaabi jiray C/xakiin Jaamac Cilmi (Tima-faras), ayaa ka tirsanaa Baarlamaanka Jubbaland, waxaana fiidnimadii xalay lagu toogtay xaafadda Calanley.

Qoraal ka soo baxay Ururka Al Shabaab lagana sii daayay Idaacadda Andalus oo ku hadasha afka ururka argagixisada ah eeAl Shabaab ayay Shabaabku ku sheegteen masuuliyadda dilkaasi, iyagoo sheegay inay gaysteen xubno ka tirsan dagaal-yahanadooda.

Wararka ayaa sheegaya in xilligii la dilayay Xildhibaanka aanay la socon wax ilaalo ah, iyadoona la dilay, xilli uu la taagnaa nin ay is garanayeen.

Xildhibaan Tima-faras, ayaa wuxuu noqonayaa Xildhibaankii ugu horeeyay oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ee lagu dilo bartamaha Magaalada Kismaayo.

HOOS AK DHAGEYSO WARKA IDAACADA ARGAGIXISADA EE Andalus