DAAWO: Xaalada Caafimaad ee Bukaanadii loo qaaday Dalka Turkiga oo weli liidato

0

Waxaa laga deyrinayaa Xaalada Caafimaad ee Bukaanadii dhawaan loo qaaday Dalka Turkiga, kuwaasi oo dhaawacyo halis ka soo gaaray Weerar ismiidaamin ahaa oo sabtidi la dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wariye Salmaan Jamaal oo booqday goobaha Caafimaad ee la dhigay Bukaanadaasi ayaa sheegay in Bukaanada qaarkood ay liitaan, una baahan yihiin gargaar caafimaad oo deg deg ah.

Sikastaba, Saraakiisha Caafimaad ee Dowladda Turkiga ayaa dadaalo dheeraad ah ku bixinaya sidii uu wax uga qaban la haayeen dhaawacyada ay la jiifaan ku dhawaad 40 ruux oo laga duuliyay Magaalada Muqdisho.