TOP DHAGEYSO:- Somaliland iyo Khaatuma oo kala saxiixday Heshiis cusub

0

Maamulada Somaliland iyo Khaatuma ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan Mideynta labada maamul sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland.

Qodobada ay ku heshiyeen labada dhinac ayaa waxaa ka mid ah in dastuurka Somaliland la furo si loo siiyo Khaatuma qeybta ay ku leedahay Somaliland.

Waxaa uu sidoo kale ka mid ah in si weyn loo adkeeyo madaxbanaanida Somaliland.

Heshiiska ka dib ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire, waxaana uu faahfaahin ka bixiyay qodobada labada dhinac ay ku heshiiyeen.

Maamulka Khaatuma ayaa sanadyadii lasoo dhaafay waday dadaallo ku aadan ku biiritaanka Somaliland, waxaana hadda Khaatuma ay u muuqata in ay raacday Somaliland.

HALKAAN KA DHAGEYSO