XOG: Madaxda Shabaab oo habeenba Meel seexda, Joojiyayna Isticmaalka Telfoonada

0

Cabsi xooggan ayaa soo wajahday Madaxda Al shabaab ee ku dhuumaaleysanaya Gobolada dalka, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku dhawaaqay dagaal lagaga xureynayo Al shabaab ciida Soomaaliya.

Ilo Wareedyo ayaa u sheegay Warbaahinta Xamarpost in madaxda Shabaab ay soo food saartay cabsi xoogan oo ku aadan in lagu duqeeyo deeganada ay joogaan, ama ay ugu tagaan ciidamada xooga dalka oo gacan ka helaya AMISOM, waxaana taasi ay dhalisay in habeen waliba Madaxda Shabaab ay seexdaan meelo kala duwan.

Magaalooyinka waaweyn ee Shabaab ay gacanta ku hayaan ayaa habeenkii markii ay galayaan gaadiidka Shabaabka, gabi ahaanba waxaa la damiyaa nalalka, oo gaariga waxaa lagu hagaa toosh, si nalka gaariga aysan diyaaradaha dagaalka u soo raacin oo loo bartilmaameedsan.

Sidoo kale madaxda Shabaab ayaa si aad ah isaga ilaaliya taleefanooda, oo meelaha qaar ay tagaan waxa ay kala saaraan moobeelka iyo Simcard ay ku isticmaalaan, maadaama xilliyada qaar duqeymaha la fuliyo moobeelka lagu hago.

Walaacan xoogan ee Madaxda Shabaabka soo food saaray ayaa ah kii ugu xooganaa, waxaana sidoo kale jirto shaki xoogan oo ka dhex jira Ururka Al Shabaab dhexdooda, maadaama ay jiraan shaqsiyaad kala duwan oo dhanka dowladda u soo baxsaday, kuwa kalena laga cabsi qabo inay u baxsadaan dhanka dowladda.