Munaasabad lagu taageerayay Murashax kamid ah murashaxiinta Golaha Deegaanka magaalada Odense ee Xisbiga ALTERNATIVET (Å) Abdirashid Abukar Abdi ayaa waxa ay xalay ka dhacday magaalada Odense ee dalka Denmark.
Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhamaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Odense.
Murashax Abdirashid Abukar Abdi ayaa ku dhawaad labaatan sano waxa uu ka shaqeenayay Council-ka, waxa uuna waqtigiisa inta badan galiyay sidii dhan walba looga horumarin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Odense iyo nawaaxigeeda.
Munaasabada ayaa waxaa khudbaddo kala gadisan oo ay ku cabirayeen dareenkooda ku aadan Murashaxnimada Abdirashid Abukar Abdi ka jeediyay Culumaa’udiin, Odayaal dhaqan, Waxgarad, Abwaano, Hooyooyin iyo Dhalinyaro, dhamaan dadkaas oo ka sheekeeyay waxqabadka Murashax Abdirashid Abukar Abdi, waxa ayna isku raaceen dhamaantood in waxqabadkiisu uu ahaa mid saldhig ay u yihiin Soomaalinimo iyo Sinaan.
Dhamaan dadkii kasoo qaybgalay Munaasabada ayaa Waxa ay u hambalyeeyeen Murashaxa, islamarkaana waxa ay sheegeen in ay taageerayaan Murashax Abdirashid Abukar Abdi unna rajeenayaan Guul & Gobanimo.
Dhinaca kale Gabagabadii Munaasabada ayaa waxaa khudbad kooban oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Murashax Abdirashid Abukar Abdi, ugu horeyn waxa uu tacsi u diray dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday qaraxii ZOOBE ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxa uuna dadkii kasoo qaybgalay Munaasabada ka codsaday in faataxada loo maro, sidoo kalena in Allaah Subxaanahu Watacaalaa Caafimaad taam ah siiyo dadkii dhaawacyada kasoo gaareen, kadib waxa uu u mahadnaqay dhamaan dadkii kasoo qaybgalay munaasabada, waxa uuna sharaxaad ka bixiyay muhiimada ay leedahay doorashadan soo socota iyo waxa uu u taagan yahay xisbigiisa, isagoona hadalkiisa kusoo gabagabeeyay maah maahdii ahayd “Kala reebtaa lagu kala baxayaa”.
Isku soo wada duuboo Munaasabadan lagu taageerayay Murashax Abdirashid Abukar Abdi ayaa waxa ay kusoo idlaatay jawi aad u dagan unna qurux badan, islamarkaana kasoo qaybgalayaasha ayaa waxaa wejiyadooda laga dheehan karay in ay ka muuqatay taageero iyo farxad baaxad leh.