Maalinti Taar02/12/2013 Waxaa Dhacay Cinqalaab Dano Kooxeed Laguna Ridey Xukuumaddii R/wasaare Saacid. W/Q. Dr Dahir Nur Jama (Dr Truman)

0

kulankii-baarlamaanka-4Waxaa jirta sideeba inuu Bini’aadamku soo maray waqtiyo kala duwan ama marxalado kala duwan haddana fekerka Aadamigu yahay mid kala duwan sida qofka caadiga ee maskax caafimaad qabta leh wuxuu kala garanayaa wax saxda ah ama waxa aan aheyn sax, qofka wax bartey wuxuu kala garanayaa waxa macqulka ah ama aan aheyn( logically or unlogically), qofka sharciga bartana wuxuu garanayaa waxa leh sharciyad iyo waxa aan ku dhisneyn sharciyad ( legally or illegally? Sidaa awgeed 02/12/2013 wixii ka dhacay xarunta golaha shacabka waxaa ka dhacay wax aad iyo aad u fool xun isla markaana aan laga faa’iidi dooneyn waayo waxaay aheyd haddiii soomaalidu ay dooneyso iney dhibaatada ka baxdo isla markaana ay dooneyso dowladnimo,qarannimo, iney ku dhaqanto Dastuurka iyo Sharuucda kale dalku leeyahay.Haddii Dastuurkii iyo Sharuucdi kale dalka si bareer ah loogu xad gudbey sidee Dowladnimo uga hanaqaadeysaa waddanka soomaaliya oo ilaa hadda ah meel fowdo ah ( Anarchy) isla markaasna uussan ka jirin  sharci yio kala dambeyn (Law and Order).

Waxaan aaminsahay iney aheyd tahayna Taariikh Mugdi ah, isla markaana ay noqon doonto mid leh xasuus madow sidaana ay taariikhdu u xusi doonto,Tusaale wadamada reer galbeedka ah waxaa jira kiisas ama cases loogu magac daro shaqsigii ay ku saabsaneyd arrintaas. Haddaba 02/12/2013 waxaay noqoneysaa maalintii Guddoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya Mudane Jawaari iyo ku xigeenadiisa ay si toos ah ugu tagrifasheen danahooda gaarka ah dasuurkii iyo xeer hoosaadkii,,isla markaana ay fuliyeen rabbi-taankii madaxweyne Gurguurte,taasna waxaay aheyd mid aan waafaqsaneyn Dastuurka waddanku leeyahay iyo xeer hoosaadka baarlamaanka. Madaxweyne Gurguurte wuxuu u maray  xukuumaddii federalka aheyd ee Raysal wasaare saacid waddo aan waafaqsaneyn Dastuurka, asagoo adeegsanaya Guddoonka sare  Baarlamaanka si uu u gaaro danahiisa gaarka ah laakiin aan aheyn wax dastuuri ah waayo arrimaha ku saabsan awoodaha dastuuriga ah ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo raysalwasaaraha waana wax ku cad Dastuurka dalka u yaalla.

Sidaa awgeed wixii dhacay ma oran karno waxaay aheyd “ Consperacy” waayo arrimaha ku saabsan Consperacy ama mu’aamaraad waxaa waaye arrimo aan cid walba fahmi Karin ama garan Karin,laakiin mu’aamaradkii lagu ridey xukuumaddii Raysal wasaare Saacid waxaay aheyd arrin iska muuqata cid walbana fahmi karto in Baarlamaanku fuliyey wixii uu doonayey maxadweyne Gurguurte mana aheyn wax ka yimid baarlamaanka soomaaliya. Waayo waxaay aheyd arrin madaxweynuhu u hayey wax la yiraahdo “ Remote-control” sidii uu doonayeyna way u noqotay,maadama uu dhaqaale badan ku bixiyey sida meelo badan laga soo xiganayo.

Dr Cabdi Faarax Shirdoon ( Saacid ) muddadii uu ahaa Raysal wasaaraha xukuumadda federalka soomaaliya inuu wax badan soo qabtay isla markaana uu muujiyey soomaalinimo, karti badan,waddanimo,daacadnimo,dulqaad badan,waxaase ku xeernaa ama ku wareegsanaa dad aan sidaa u qurux badneyn,kuna yareyd wadanimada iyo soomaalinimada waayo qofka wadaniga ah,isla markaana jecel soomaalinimada waa kan doonaya inuu dadkiisa,dalkiisa iyo diintiisaaba ugu shaqeeyo waxa ugu horreyana ay tahay inuu ku dhaqmo dastuurka dalku leeyahay ahna waxa kaliya ee ummadda soomaaliyeed isku haya, iyo sharuucda kale dalku leeyahay.

Go’aankii Dr Saacid ku aqbalay wixii ka soo baxay Mu’aamaraadkii loogu magac daray Baarlamaanka ayaa motion ka keeney xukuumaddii Saacid kalagana noqday kalsoonidii,isla markaana Saacid uu aqbalay wixii ka soo baxay,taas oo muujineysa Geesinimda iyo dareenka wadanimo iyo soomaalinimo uu leeyahay Dr Saacid taasna ay tahay wax u gaar ah asaga isla markaana uu mudan yahay in lagu siiyo “Billad Dahab” in kastoo aan ogahay ineysan soomaalidu qofka ku qaymeyn shaqsiyadda uu leeyahay iyo wax qabadkiisa,laakiin ay ku qaymeeyaan caadifad aad u liitada ahna qabiil iyo reer hebel ma yahay.

Isku soo wada duub Dr Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) marka aan wareystey dad aad u yaqaan Saacid isla markaana aan dhageystey afkaartiisa iyo fekerkiisa shaqsiyadeed iyo dareenkiisa ku aadan waxa uu doonayo inuu u qabto dadkiisa iyo dalkiisaba, sidaa awgeed waxaa muuqata Dr Saacid inuu yahay nin ku sifoobay arrimahaan soo socda: Dr Saacid waa nin degen, haddana qofku markuu yahay qof degen waa qof dulqaad badan, qofku markuu dulqaad badan yahay waa qof Samir badan ,qofku markuu Samir badan yahay waa qof aan xasad aheyn. Arrimahaas oo dhan waxaa muujinaya habkii loola dhaqmay ilaa qaar ka mid ah Golihiisa wasiirada, Gurguurte iyo guddoonka sare ee baarlamaanka, laakiin intaas oo dhan Saacid wuxuu ku talo galay inuu la shaqeeyo dad noocaas ah waana ku guuleystey waayo xaalad adag ayuu u samrey.Dr Saacid wuxuu la tagey guul iyo sharaf,karaamo badan,soomaalinimo waxaana xusi doona taariikhda ” The history will tell”, waxaase ceeb iyo fadeexo weyn dusha u saaran tahay madaxweyne Gurguurte iyo Jawaari iyo Baarlamaanka xubnaha calooshood u shaqeystayaasha ah. Baarlamaanka maantay jira wuxuu ka kooban yahay 275, marka laga reebo 65 xubnood ayaa waxaay muujiyeen iney geesinimo, wadanimo,soomaalinimo,taariikhda ayaana xusi doonta.

W/Q. Dr Dahir Nur Jama ( Dr Truman)
jama191@hotmail.co.uk

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com