Faah faahin: Qarax ka dhacay meel ku dhow Hotel Naasa-hablood 2 ee Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan qarax ka dhacay degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir gaar ahaan meel ku dhow Hotelka Naasa-hablood 2.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa la sheegayaa in loo adeegsaday gaari walxaha laga soo buuxiyay,waxaana dhaceysa Rasaas oo aan la ogeyn cida u dhaxeyso.

Dhawaqa gaadiid gurmadka deg deg (Abulance),ayaa la maqlayaa oo goobta ka qaadeysa dadka wax ku noqda,waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Lama hubo khasaaraha ka dhashay Qaraxa,balse dad goob joogaaal ah ayaa waxay sheegayaan inuu jiro khasaaro isugu jira dhimasho dhaawac oo ka dhashay Qaraxa.

Wixii ku soo kordha la soco.